Diese Webseite nutzt Cookies, um Ihnen die bestmögliche Funktion bieten zu können.
Zu den Datenschutzbestimmungen

Akzeptieren
Medic-Help Asyl
  • Waxa la sameeyo haddii jiro ay jirto?
    Cabashooyinka
    Cudurada
    Caafimaad ahow
    Daryeelka Caafimaadka ee Switzerland
    Macluumaadka diiwaangalinta
    icon-sprache.png
    • English
    • Deutsch
    • Français
    • Italiano
    • Shqip (Albanisch)
    • Bamanakan (Bambara)
    • Fulani
    • Igbo
    • Hrvatski (Kroatisch)
    • Kurmancî
    • Lingala
    • Mandinŋo (Mandinka)
    • Português (Portugiesisch)
    • Română (Rumänisch)
    • Soomaali
    • Español
    • Kiswahili
    • Türkçe (Türkisch)
    • Twi
    • Wolof
    • العربية (al-Arabiya)
    • کوردی (Badini)
    • درى (Dari)
    • فارسى (Farsi)
    • پشتو (Paschtun)
    • پنجابی (Punjabi)
    • کوردیی ناوەڕاست (Sorani)
    • اردو (Urdu)
    • български (Bulgarisch)
    • Монгол (Mongolisch)
    • Українська (Ukrainisch)
    • русский (Russisch)
    • Հայերեն (Armenisch)
    • አማርኛ (Amharisch)
    • ትግርኛ (Tigrinnya)
    • ქართული (Georgian)
    • தமிழ் (Tamil)
    • བོད་སྐད (Tibetisch)
  • Für Betreuende:

  • Istaambeey oo La xiriir

    Heerka: La cusbooneysiiyay: Janaayo 2018

  • Cabashooyinka
  • Qufaca
  • Qandhada
  • Dhididka habeenka
  • Nabraha iyo Cuncunka
  • Dhaawacyada Maqaarka Furan
  • Shubanka
  • Mataga
  • Dhibaatooyinka Hurdada, Cabsida iyo Xanuunka
  • Cabashooyinka Kale
Beschwerden.png

Halkaan, waxaan ku soo ogeysiinay wax ku saabsan aastaamaha cudurada faafa ee ugu muhiimsan. Waa muhiim inaad durbadiiba daaweysid. Si aad u laalisid caafimaadkaaga oo aad ka illaalisid dadka kale inuu caabuq helo.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qabtid cabashooyin ama aadan dareemin wanaag, la xiriir Medic-Help.

Husten.png

Qufaca wuxuu noqon karaa aastaanta cudurada faafa. Haddii inta badan xaaladaha, waa qabowga caadiga ah. Mararka qaar waa aastaanta cudurka faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad u baahantahay inaad marwalba qufacdid, si daran, ama muddo dheer, ama qabtid qufaca soo saarayo xaaqada, aad Medic-Help.

Qufaca wuxuu noqon karaa aastaanta cudurada faafa.  Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Tiibashooyinka

Jadeecada

Fieber.png

Markii heerkululka jirka ay ka sareyso xaalada caadiga ah, waxaa loo yaqaan qandho. Tani waxay aastaan u noqon kartaa cudurada faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qandho qabtid, aad Medic-Help.

Icon_Medic_Help.png

Haddii canugaaga qandho leeyahay, si degdeg ah u jawaab oo aad Medic-Help.

Icon_Trinken.png

Ku cab biyo kugu fillan ama shaah qeybo yar oo ka fogow jimicsiga jirka.

Qandhada waxay aastaan u noqon kartaa cuduro kala duwan. Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Tiibashooyinka

Busbuska

Jadeecada

Nachtschweiss.png

Habeenada kuleelaha kulul, waa caadi in la dhididaa wax badan.  Sidoo kale, haddii qolka jiifka si aad ah loo kululeeyo. Si kastaba, haddii aad wax badan dhididid inta lagu jiro habeenka, xittaa heerkululka qolka caadiga ah, waxay aastaan u noqon kartaa cudurada faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qabtid qandho oo aad culeys lumisid oo dheeraadka ah dhididada habeenka, aad Medic-Help.

Dhididada habeenka waxay aastaan u noqon kartaa cuduro kala duwan. Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Tiibashooyinka

Hautauschlag.png

Xaalada nabarka maqaarka, baraha gaduudan ama nabraha inta badan waxay ku hormaraan maqaarka ama maqaarka ayaa aad u qalalan oo qorfa ah ama cuncuna wax badan. Tani waxay aastaan u noqon kartaa cudurada faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qabtid nabaro ama cuncun, aad Medic-Help.

Nabraha iyo cuncunka waxay aastaan u noqon kartaa cuduro kala duwan.  Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Cudurka maqaarka faafa 

Busbuska

Jadeecada

Offene_Hautwunden.png

Sarmooyinka, nabaadguurka ama miciyada waxay dhaawici karaa maqaarka oo sababaan dhaawacyada furan. Taxadar gaar ah ayaa loogu baahanyahay oo si xun u boskoodo.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qabtid maqaar dhaawacan, aad Medic-Help.

Daawacyada maqaarka furan inta badan waa natiijooyinka dhaawacyada. Haddii ay si xun u bogsoodaan, kadib tani waxay noqon kartaa tilmaanta:

Gowracatada 

Durchfall.png

Haddii aad u baahantahay inaad musqusha u aadid saxaro in kabadan sadex jeer maalintii, ama haddii saxaradaada ay biyo tahay, waxaa loo yaqaan shuban.  Tani waxay aastaan u noqon kartaa cudurka faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad qabtid shuban, aad Medic-Help.

Icon_Trinken.png

Ku cab biyo kugu fillan ama shaah qeybo yar.

Icon_Haende_waschen.png

Si joogta ah ugu dhaq gacmahaaga saabuun si markaas aadan u qaadsiin dadka kale.

Shubanka wuxuu aastaan u noqon karaa cuduro kala duwan.  Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Gastroenteritis

Erbrechen.png

Mataga wuxuu aastaan u noqon karaa cuduro kala duwan.  Mataga wuxuu sidoo kale aastaan u noqon karaa cudurka faafa.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad matageysid, aad Medic-Help.

Icon_Trinken.png

Ku cab biyo kugu fillan ama shaah qeybo yar.

Icon_Haende_waschen.png

Si joogta ah ugu dhaq gacmahaaga saabuun si markaas aadan u qaadsiin dadka kale.

Mataga wuxuu aastaan u noqon karaa cuduro kala duwan.  Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Gastroenteritis

Schlechter_Schlaf.png

Haddii aad si xun u seexatid in ka badan dhoor habeen ama aad la kulantid cabsi aan lagaraneyn, waxay aastaan u noqon kartaa murugada maskaxda.  Sidoo kale sida xanuunka aan laheyn sababta muuqato.

Icon_Medic_Help.png

Haddii aad u seexatid si xun ama aad la kulmeysid xanuun aan la sharaxin, la xiriir Medic-Help.

Dhibaatooyinka hurdada, cabsiyada aan la garaneyn ama aan la sharaxi karin waa aastaamaha jirooyin kala duwan. Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa: Ka midka ah waxyaabaha kale, waxay tilmaan u noqon kartaa:

Xanuunka maskaxda/jirka 

Weitere_Beschwerden_w.png

Boggaan waxaad ka heleysaa warbixin gaar ahaan ku saabsan muhiimada cudurada faafa.

Dabcan waxaa jiro cabashooyin kale oo badan.  Haddii aad dareentid jiro ama aad qabtid su'aal caafimaad, aad Medic-Help.

BAG-Logo-de EDI_BAG_e_RGB_pos_hoch.png
Datenschutzerklärung